Försäkringskassan's logo
Sign in
Keep in mind...

You are using an older version of your web browser. This means that you might not be able to use all of the functions of the website. We recommend that you update to a newer version.

Shaqadeenna ku aaddan ka hortag u gacan qaadka

Shaqada Qasnadda ceymiska waxaa qeyb ka ah ka hortagga u gacan qaadka ragga ey u geystaan dumarka, U gacan qaadka ka dhex dhasha xiriirrada dhow iyo u gacan qaadka iyo cadaadiska sharaf la xiriirta. Si laguu caawiyo haddii aad tahay qof wax loo geystay waxaan rabnaa in aan ogaanno haddii waxyaabahaas khibrad u leedahay.

Shaqada waxey salka ku heysaa heshiisyada caalamiga ah ee qaramada midoobay ee ku saabsan xuquuqda aadanaha, heshiisyada caalamiga ah ee midowga yurub ee xuquuqda aadanaha, heshiisyada caalamiga ah ee istanbuul, Agenda 2030 iyo qaanuun dejinta iswiidhishka.

Qasnadda ceymiska waxey gacan ka geysaneysaa in la gaaro hadafyada siyaasadeed ee sinnaanta, isku dheellitiridda sinnaantana waxey noqoneysaa istiraatiijiyadda ugu muhiimsan si looga dhabaayo. Waxaa kale oo jira istiraatiijiyad heer qaran ah si looga hortago u gacan qaadka ragga ee ka dhanka ah dumarka, kuwaas oo shaqo noogala dhigay in aan qeyb ka ahaanno.

Istiraatiijiyad qaran oo ku saabsan ka hortagga u gacan qaadka (regeringen.se) External link, opens in new window.

U gacan qaadka ragga ee ka dhanka ah dumarka waa in uu joogsadaa (regeringen.se) External link, opens in new window.

Intaas ka sokow waxaa qeyb ka ah in Qasnadda ceymiska ey waxqabadyo kala duwan ka sameyso goobta tilmaanka hey’adda, warqadaha sharciyeenta iyo howlaha khaaska ah ee xukuumadda.

Waa maxay sababta ey muhiim u tahay in la sheego?

Dhibanaha loo geysot u gacsan qaad waxaa marar badan ku dhaca caafimaad darro iyo in uu waayo shaqo iyo dakhli labadaba. U gacan qaad wuxuu ka dhex dhacaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo dhan iyo heerarkeed kala duwan. In uu qofku heysto khibrad dhinaca u gacan qaadka ah iyo dhinaca ku xadgudubka waxey keeneysaa la ildarnaansho iyo xaddid kuwaas oo keenaya dhaawac dhinaca maskaxda iyo jirkaba ah. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nolol ka madax bannaan u gacan qaad iyo cadaadis. Waxaa jira caawimaad la heli karo tillaabadana ugu horreysana waa in haddii aad tahay qof wax loo geystay in aad waxa kugu dhacay u sheegto qof ama hey’ad dowladeed oo ku caawin kara.

In qofka xiriir dhow u gacan qaad loogu qeysto (1177.se) External link, opens in new window.

In dembi lagu geysto xiriir dhow – halkan waxaad ka heleysaa caawimaad iyo taakuleyn (polisen.se) External link, opens in new window.

Guruubyada qaar waxey ku jiri karaan xaalado si khaas ah u khatar u ah sababo la xiriira fuquuq iyo takoorid. Waxey noqan karaan dad qaba cuuryaanimo, da’yar iyo dumarka waayeelka ah, dadka jinsiyada kala duwan, ama dadka asalkooda waddamo kale kasoo jeeda.

Maxey sameyn kartaa Qasnadda ceymiska?

Qasnadda ceymiska waxey si firfircoon uga shaqeysaa su’aalaha ku saabsan u gacan qaadka ee qeybaha lacag bixinta ee lacagta howlaha, lacagta jirrada, lacagta baxnaaninta iyo lacagta kaalmada masruufka. Waxaan sidaas u sameynaa si adiga leh khibradda dhinaca u gacan qaadka u hesho warbixin ku saabsan halka aad caawimaad iyo taakuleyn aad ka heli karto.

Haddii aad jirrantahay ama aad qabto caaryaannimo waxaa lagaa caawin karaa in eyskugu kaa dubbarido waxqabadyo baxnaanin si aad u bilaabi karto shaqo ama howlo kale. Haddii aad tahay qof qaata kaalmada masruufka waxey khatar ugu jiridda u gacan qaad kaaga dhignaan karaa in aad xaq u sii lahaato lacagta kaalmada masruufka oo ey Qasnadda ceymiska bixiso. In laga hadlo u gacan qaadka ayaa ah tillaabada koowaad si uu qofku u helo caawimaad iyo isbedel.

Waxaad xaq u leedahay nolol ka madax bannaan u gacan qaad

Last updated: