Försäkringskassan's logo
Sign in
Keep in mind...

You are using an older version of your web browser. This means that you might not be able to use all of the functions of the website. We recommend that you update to a newer version.

Waxaad xaq u leedahay nolol ka madax bannaan u gacan qaad

Gacan qaad waa wax ka jira bulshadeenna waana qeyb ka mid nolol maalmeedka dad badan. Haddii laguu qeystay u gacan qaad ama ku xadgudub galmo, waxaad xaq u leedahay caawimaad iyo taakuleyn. Haddii aad garaneysid dhib geystaha iyo haddii kaleba. Waa muhiim in aad ogaataa in mar walba uu qofka dhibka geystay uu masuul ka yahay waxa dhacay, marnaba ma ahan khaladkaaga.

Dad badan ayaa waayo aragnimo u leh u gacanqaadka ragga ee ka dhanka ah dumarka, U gacan qaadka ka dhex dhasha xiriirrada dhow iyo u gacan qaadka iyo cadaadiska sharaf la xiriirta, ku xadgudub galmo la xiriira iyo dhibaateyn. Midda ugu caadisan waa in dambiilaha uu yahay qof xiriir dhow la leh dhibanaha, tusaale ahaan xubin qoys ama lamaane hadda uu leeyahay ama mid hore.

In uu qofku heysto khibrad dhinaca u gacan qaadka ah iyo dhinaca ku xadgudubka waxey keeneysaa la ildarnaansho iyo xaddid kuwaas oo keenaya dhaawac dhinaca maskaxda iyo jirkaba ah. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nolol ka madax bannaan u gacan qaad iyo cadaadis. Waxaa jira caawimaad la heli karo tillaabadana ugu horreysana waa in haddii aad tahay qof wax loo geystay in aad waxa kugu dhacay u sheegto qof ama hey’ad dowladeed oo ku caawin kara.

Nuucyo kala duwan ee U gacan qaad

Gacan qaad wuxuu noqon karaa ficillo qaabab kala duwan leh waxaana qofka isku mar loo geysan karaa u gacan qaad nuucyo kala duwan leh. Halkaan waxaan ku sharraxeynaa nuucyo kala duwan ee u gacan qaad. Haddii aan nahay Qasnadda ceymiska marka aan ka hadleyso u gacan qaad waxaan ka duulnaa waxyaabahan soo socda:

 

Gacan qaad jireed waxuu noqon karaa riixitaan, haraantiyo/laad, wax ku dhufasho, ceeji ku dhegid, xi xooggan u qabsasho ama wax gacan lagu heysto oo qof lagu dhufto.

Gacan qaad jireed dadban, waxa uu noqon karaa in qof uu qof kale u geysto fal u gacan qaadid, kaa soo qofka u keenaya caqabado jireed, sida in qof loo diido hurdo oo kale.

 

Xadguduboy afka ah, hanjabaad, takoorid, rikaateyn ama kontoroolid ugu dambeyn keena in qofka dhibanaha uu maskax ahaan u niyad jabo.

Gacan qaadka maskaxeed waxaa kale uu yahay hanjabaad dadban oo ku aaddan isdilid ama hanjabaad loo geysto qof kale oo sokeeye ah.

 

Gacan qaad galmo waa in qof lagu qasbo in asaga oo rabin uu sameeyo ama goob joog ka ahaado ficillo galmo ah. Waxey noqon kartaa xoogid galmo iyo ku xadgudub galmo (sida in qof aan rabin la taabto jirkiisa). In la iibsado adeeg galmo waa sharci darro marwalba, maadaama ey ku saabsan tahay in qof kale laga faa’ideysto. Maa mamnuun mana loo aabayeelayo lacagta/ waxa la siisanayo inta ey la egtahay iyo sida ey tahay.

 

Gacan qaad shey waxaa loola jeedaa in uu qofku jejebiyo alaab uu dhibanaha leeyahay, ama haddii uu asaga jejebiyo ama dhibanaha uu ku qasbo in uu jejebiyo waxyaabo qiimo gar ah ugu fadhiyo. U gacan qaad loo geysto xeywaannada guri joogtada ah xattaa waa qeyb ka mid ah u gacan qaad shey.

 

Gacan qaad dhaqaale wuxuu noqn karaa in qof uu kontoroolo sida uu lamaanihiisa u isticmaalo lacagtiisa ama in uusan lamaanaha u oggolaanin in uu wax lacaga heysto. Waxey kale oo noqon kartaa in uu qofka u khasbo lamaanihiisa in uu deyn qaato, in uu kontoroolo dhaqaalaha iyo hantida ashyaa’da ah si uu u kordhiyo takooridda, dhibaateynta iyo in uu qofka ka dhigo qof dhaqaale ahaan ku tiirsan.

 

Dayicid waxey noqon kartaa in qofka dhibanaha ah uusan helin caawimaadda uu ugu baahan yahay cunto, daawo ama nadiifin. Si qayaxan haddii loo sheego waxey noqon kartaa in uusan qofka helin caawimaad si uu sariirta uga soo tooso ama in la siiyo qiyaas daawo oo qalad ah.

 

Gacan qaadid qarsoon waxey ka dhigan tahay in ey jiraan cabsi joogto ah ama welwel laga qabo u gacan qaadid. Waxey noqon kartaa caro ama xanaaq ka muuqdo qaab jireedka dhib geystaha, kaas oo cabsi gelinaya ama loo arkayo hanjabaad ama soo xusuuxinaya khibrad hore ee u gacan qaadid.

Caawimaad iyo taakuleyn ku socota qofka loo geystay u gacan qaad, hanjabaad ama ku xadgudub galmo la xiriira

Kaligaa ma tihid. Waxaa jira meelo badan oo ku siinaya caawimaad iyo taakuleyn si aad u hagaajisid xaaladaada ama aad ka shaqeysid wixii dhacay.

 

Xafiiska adeegga bulshada

Waxaad la xiriiri kartaa xafiiska adeegga bulshada ee degmada aad ku qorantahay. Waxqabadyada uu xafiiska adeegga bulshada u hayo dadka la dhibaateeyay wey kala duwan yihiin, laakiin degmooyinka badankood waxey dhiibaan talo siin, wada hadal garab siin iyo kaalmo dhaqaale. Xafiiska adeegga bulshada wuxuu kale oo xiriiriye ka noqn karaa isku xirka dhibanaha iyo goobaha howlaha heeganka ee kala duwan iyo in ey siiyaan deegaan xajisan oo ku meel gaar ah.

Goobaha caafimaadka iyo daryeelidda

Haga caafimaadka 1177 waxaa ka mid ah waxyaabaha aad ka heli karto warbixin loogu tala galay dadka loo geysto u gacan qaad ka dhex dhasha xiriirrada dhow.

U gacan qaad ka dhex dhasha xiriirrada dhow (af iswiidhish) (1177.se) External link, opens in new window.

Booliska

Mar walba waad wici kartaa 112 haddii aad u baahan tahay caawimaad degdeg ah.

Bogga warbixinta ku saabsan u gacan qaad ka dhex dhasha xiriirrada dhow.

Dembiyada u gacan qaad ka dhex dhasha xiriirrada dhow (polisen.se) External link, opens in new window.

Hedersfortryck.se

Warbixin ku socota haddii aad tahay qof dhib loo geystay ama qof raba in uu wax dheeri ah barto cadiidiska la xiriir sharafta.

Haddii aad tahay qof shaqeeya ama qof mutadawacnimo ah u shaqeeya isla markaana u baahan talo ku saabsan su’aalaha la xiriira cadaadinta sharafta waxaa jira leen taleefan oo ku caawinaya nambarkiisuna waa 010‑223 57 60.

Hedersfortryck.se (af iswiidhish) External link, opens in new window.

Leenka bedqabka dumarka (Kvinnofridslinjen)

Leenka bedqabka dumarka wuxuu ku siinayaa wadahadallo garab siin oo dhianaca taleefanka ah mar walba habeen iyo maalin. Waxey kale oo kaa caawin karaan macluumaadka laga xiriiro Xafiiska adeegga bulshada, xafiiska heeganka ee arrimaha bulshada ama xafiiska heeganka ee haweenka. Khadka bedbaadada dumarku wuxuu u banaanyahay qof kasta, hadii adiga lagu dhibaateeyay ama aad qaraabo tihiin ama asxaab amaba is taqaanan gabar la dhibaateeyay. Wadahadalka taleefanka waa lacag la’aan mana laga arkayo warqadda lacag bixinta taleefanka. Ha hilmaamin in aad adiga kaligaa ka tirtirto haddii aadan rabin in nambarka uu ka muuqdo halka ey qoran yihiin taleefannada ugu dambeeyay ee la wacay ee taleefankaada moobiilka ah. Nambarka taleefanka waa: 020‑50 50 50.

Leenka bedqabka dumarka (kvinnofridslinjen.se) External link, opens in new window.

JIheeyaha dhibanaha dembiga laga galay

Jiheeye loogu tala galay haddii aad tahay dhibanaha dembiga laga galay.

JIheeyaha dhibanaha dembiga laga galay (af iswiidhish) (brottsofferguiden.se) External link, opens in new window.

Goobaha heeganka ee dhibanaha dembiga laga galay

Waxey ku siinayaan garab siin haddii aad tahay dhibanaha dembiga laga galay.

Dallada Goobaha heeganka ee dhibanaha dembiga laga galay (af iswiidhish) (brottsofferjouren.se) External link, opens in new window.

Dinarattigheter.se

Waxey ku siinayaan warbixin haddii aad tahay dhibane loo geystay cadaadin xagga sharafta la xiriira.

Dinarattigheter.se (af iswiidhish) (karlekenarfri.se) External link, opens in new window.

Jourhavande medmänniska

Waa urur samafal oo ku siinaya wadahadal garab siin oo dhinaca qoraalka chatt-ka ah iyo dinaca taleefanka.

Jourhavande medmänniska (af iswiidhish) (jourhavande-medmanniska.se) External link, opens in new window.

Goobaha heeganka ee dumarka iyo gabdhaha

Roks iyo Unizon waxey leeyihiin heegan waddanka dacalladiisa ah wuxuuna garab siin siiyaa gabdhaha iyo dumarka.

Roks (roks.se) External link, opens in new window.

Unizon (af iswiidhish) (unizon.se) External link, opens in new window.

Q-jouren

Waxaa loogu tala galay dumarka dhibaatooyinka loo geysto ee khibradda u leh si xun u isticmaalid maandooriye iyo jir ka ganacsi. Xarunta Qjouren leysma saarayo waajibaad ku aaddan ka madax bannaani maandooriye oo la weydiinayo dumarka soo raadsato caawimaad, gabaad iyo warbixin ku aaddan xuquuqdeeda.

Q-jouren (af iswiidhish) (qjouren.se) External link, opens in new window.

RFSL Xarunta qaabilaadda garab siin (Stödmottagning)

Waxaa loogu tala galay dadka jinsiyadaha kala duwan ka hela oo loo geystay dhibaatooyin dhinaca takooridda ah, hanjabaad iyo u gacan qaad.

RFSL Xarunta qaabilaadda garab siin (af iswiidhish) (rfsl.se) External link, opens in new window.

Jaaliyadda xarunta caawimaadda dhanka u gacan qaadka la xiriira galmada ee waqtigii ilmanimada (Riksföreningen stödcentrum mot incest och andra sexuella övergrepp i barndomen)

Waxaa loogu tala galay dumarka u gacan qaadka la xiriira galmada loo geystay waqtigii ilmanimada.

Riksföreningen stödcentrum mot incest och andra sexuella övergrepp i barndomen (af iswiidhish) (rise-sverige.se) External link, opens in new window.

Xarunta xaaladaha adag ee nimanka Iswiidhan (Rikskriscentrum – Sveriges kriscentrum för män)

Waa urur dalladeed haya howlo ka shaqeeya in caawimaad la siiyo nimanka ku jira xaaladaha adag. Halkan waxaad kal heli kartaa macluumaad lagala xiriiro xarumaha xaaladaha adag ee waddanka dacalladiisa ku yaal.

Rikskriscentrum – Sveriges kriscentrum för män (af iswiidhish) (rikskriscentrum.se) External link, opens in new window.

Terrafem

Taleefan heegan oo loogu tala galay dumarka ka soo jeeda dibedda. Wadahadalka taleefanka lagama arkayo warqadda lacag bixinta taleefanka. Ha hilmaamin in aad adiga kaligaa ka tirtirto haddii aadan rabin in nambarka uu ka muuqdo halka ey qoran yihiin taleefannada ugu dambeeyay ee la wacay ee taleefankaada moobiilka ah.

Nambarka taleefanka waa: 020‑52 10 10.

Terrafem (terrafem.org) External link, opens in new window.

TRIS

Tris waa leen taleefan oo caawimaad waxaana loogu tala galay haddii aad tahay dhibane loo geystay u gacan qaad iyo cadaadin xagga sharafta la xiriira.

TRIS (af iswiidhish) (tris.se) External link, opens in new window.

Last updated: